Maqaal: Sida Dowladda Soomaaliya Uga Faa’iideysan la’dahay Balaayiin Doollar Oo Deeq Lacageed Ah.
Caqabadaha Haysta dowladnimada Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weli la tacaaleysaa caqabado badan oo is-barkan oo ku hor gudban dadaalladeeda lagu doonayo in lagu bixiyo adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, sugnaanta cuntada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn waa awoodda xaddidan ee dowladda ee ku aaddan…