Caqabadaha horyaala doorasho qof iyo cod ah inay ka dhacdo Soomaaliya

Hordhac

Markii aan xornimada qaadanay 1960 kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay doorashooyin nabad ah ilaa 1969-kii, markaasoo ay ciidamadu afgambi ku qabsadeen talada dalka. 1969kii ilaa 1991kii Siyaad Barre waxa uu dalka ku xukumayay doorasho la’aan isagoo ku hoos jiray nidaam kali talis ah. Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 2000, ma dhicin wax doorasho ah oo ay sabab u tahay dagaaladii sokeeye iyo burburkii dawladdii dhexe, laakiin 2000, shirkii Carta ayaa lagu dhisay dawlad ku meel gaar ah. Tan iyo sanadkii 2012-kii, Soomaaliya waxaa ka dhacay doorashooyin dadban, balse dadaallada loogu gudbayo doorasho toos ah ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ka imaanaya amni darro iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Ka dib burburkii Soomaaliya,sannadkii 1991, dowladdihii dalka soo maray waxaa baarlamaankooda soo xulayay odayaal dhaqameedyo, laakiin baarlamaankii 2017 iyo baarlaamkii 2022 ee hadda dhisan ee labada gole, hab ka duwan odayaal dhaqameedyada ayaa lagu soo xulay, waxaana xildhibaanadii 2017  xildhibaan kasta u codeynayay 51 ergo  halka xildhibaanadii 2022 ay u codeeyeen  xildhibaan kasta 101 ergo oo beeshiisa laga soo xulay, halka aqalka sare ay soo doorteen baarlamanada dowlad goboleedyada.

Doorasho cod iyo qof waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1967, 54 sano kadib waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay ansixiyeen sharciga  doorashooyinka taariikhdu markay ahayd  Nov 11, 2024.

Hadaba Caqabado muuqdo iyo kuwa daahsoon ayaa horyaala doorasho qof iyo cod ah inay ka dhacdo Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan in laga gudbo ka hor sanadka 2026.

Caqabaha soo waji kara waxaa ka mid ah una baahan in la xaliyo ka hor doorashada.

Caqabadaha siyaasadeed

Midda koowaad, waxaa jira xisbiyo siyaasadeed kuwaas oo kaalin muhiim ah ka ciyaari kara doorashooyinka, haddana qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda waxaa ay dareemayaan in aan laga qeyb gelinin oo hoggaanka talada haya aanay kala tashan arrimaha la xiriira doorashada. Qaar kamid ah xisbiyadan waxa ay sameysteen isbaheysiyo, waxa ayna muujiyeen ku qanacsanaan la’aantooda dadaallada ay wadaan madaxda dowladda federaalka ee ku aaddan qabashada doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo oo ka dhaca Soomaaliya.

Midda labaad, dowlad goboleedyada ayaa ah daneeyayaal muhiim u ah qabashada doorasho ka dhacda Soomaaliya. Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ( gaar ahaan Puntland iyo Jubaland) ayaa ah caqabad siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeelan karta doorashooyinka soo socda. Haddii uu sii socdo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo labadaan dowlad goboleed, waxaa adkaan doonta in doorashooyin toos ah laguna kalsoonaan karo ku qabsoomaan jadwalkii loo dejiyey.

Caqabadaha Tirakoobka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha

Sharciga doorashooyinka waxa uu soo jeedinayaa nidaam diiwangelin ee cod-bixiyeyaasha oo biometric ah. Wuxuu sidoo kale ka turjumayaa caqabadaha jira sida tirakoob la’aanta, wax tirakoob ah lagama qaban ku dhawaad 50 sano. Tirakoobka keliya ee lagu guulaystay ee dadka iyo guryaynta waxaa la sameeyay sanadkii 1975, taas oo soo saartay natiijooyin kooban. Tirakoobka dadka iyo guryaha ee labaad waxaa la sameeyay 1986, laakiin natiijadeeda lama sii dayn.  Tiro-koobka dadka Soomaaliya waxa ay udub-dhexaad u tahay hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod ah taas oo dib u soo celinaysa doorashada dimuqraadiga ah ee dalka , waxay ayna horseedi doonta dhismaha dowladnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale maqnaanshaha nidaam aqoonsi qaran, kaarka aqoonsiga qaranku waxa uu muhiim u yahay doorashooyinka maadaama ay ka caawinayaan xaqiijinta aqoonsiga codbixiyayaasha, ka hortagga wax isdaba marinta, iyo kor u qaadida daacadnimada doorashooyinka.

Caqabad Amni

Xaaladda amni ee ka jirta Soomaaliya weli waa mid nugul. Al-shabaab iyo Daacish waxaa ay khatar amni ku yihiin doorashooyinka., waxa ay bartilmaameed sadeen odayaashii dhaqanka iyo xubno kamid ah ergadii dooraashooyinka ee ka qeybgalay doorashadii dadbaneyd. Intaas waxaa sii dheer, gacan ku hayntooda dhuleed iyo amni darada guud ee dalka waxa ay yareyn karaan deegaannada ay doorashooyinka ka dhici karaan, diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo ka qeybgalka muwaadiniinta ee doorashada.

Caqabad Dhaqaale

Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha biometric-ga waa qaali. Waxa ayna u baahan tahay miisaaniyad lagu qiyaasay $21 malyan. Marka la eego miisaaniyadda dowladda federaalka ee doorashooyinka oo xaddidan, dawladda waxay ku tiirsanaan doontaa beesha caalamka – oo laga yaabo in aysan diyaar u aheyn inay bixiyaan. Sidoo kale doorashada waxay u baahan dhaqaale lagu  kharash gareeyo amniga, wacyigelinta , tababarada shaqaalaha doorashada iyo qalabaynta xafiisyada.

Faragelinta shisheeye

Wadamada deriska la ah soomaaliya kuwaas oo ku leh saamyn taban iyo mid togan doorashada maadaama ciidamadoodu ay wadanka joogaan sidoo kale  waddamada ku deeqay ciidammada  AUSSOM iyaguna waxay uga faa’iideysan karaan kaalmada dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha doorashada Soomaaliya, sidoo kale aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in wadamada khaliijka qaarkood ay faragelin  ku lee yihiin doorashada iayagoo lacago iyo kaambayn ba u sameeya musharixiinta qaar.

Sharciga Doorashooyinka

Iyadoo saamilayda siyaasada, maamul goboleedyada iyo dowlada federalka Somaliya aysan heshiis ku ahayn  habka doorashada loo qabanayo.
 Waxaa la is weydiin karaa nidaamka doorashada ma waxa uu noqonayaa nidaamka metalaada Isku-dheellitiran ee Liistada xiran  amase liistada furan. Sidoo kale  qaabka xisbiyadu ku kala guulaysan karaan, iyo sida loo soo dooranayo labada aqal ma hab isku mid ah mise qaabab kala duwan.

Nidaamka 4.5

In kuraas loo qoondeeyo qabiilo gaar ah waxay ka hor imanaysaa mabaadi’da aasaasiga ah ee doorasho qof iyo cod ah. Inkastoo ay suuragal tahay in la isku lifaaqo habka awood-qeybsiga beelaha ku saleysan iyo doorasho toos ah, tani waxay u baahan doontaa habab isku-dhaf ah oo hirgelintooda ay adkaan karto, waxaa laga yaabaa in weli loo arko in ay xaddidayso baaxadda dimuqraadiyeynta. Sidoo kale  Nidaamka 4.5 waxa uu caqabad weyn oo hortaagan ku yahay horumarinta ka qeybgalka haweenka iyo dhallinyarada ee siyaasadda.

Caqabada astaynta Degmooyinka ay doorashada ka qabsoomayso

Doorashooyinku waxay ka dhici doonaan degmooyin la dhisay 1990kii ka hor, ama kuwii la abuuray kadib. Si kastaba ha ahaatee, iswaafajinta degmooyinkii hore iyo kuwa cusub ayaa weli ah caqabad u baahan heshiis dhexmara dhinacyada ay khuseyso, xisbiyada siyaasadda, madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Talooyin

1. In dowladda federaalka qaadato dowr hogaamineed iyo isku wadid ayna u istaagto dhammeynta khilaafka taagan ee arimaha doorashooyinka iyo dastuurka iyadoo loo marayo wada-hadal iyo isafgarad.

2.In Culimada , Odayaasha , Aqoonyahanka , Ururada haweenka iyo dhalinyarada aya ka qayb qaataan soo saarista talooyinka isu soo dhoweyn kara siyaasiyiinta iyo madaxda kala aragtida duwan.

W/Q: Abdiaziz Ibrahim Yusuf
Email: abdiasis407@gmail.com

 


The Somali Opinions welcomes opinion articles on any topic, including local, national, and international issues. Submissions can be sent to Somaliopinions@gmail.com.

If you have feedback on this article or wish to share your thoughts on any content published by The Somali Opinions, we encourage you to submit your opinions to the email address above.

Similar Posts

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *