BAAQ KU SAABSAN ANSIXINTA DOWLADDA SOOMAALIYA EE PROTOCOL-KA AFRICA EE XUQUUQDA DADKA NAAFADA AH

Heshis hoosdaadka Afrika ee xuquuqda dadka Baahiyaha gaarka ah qaba (ADP), waa heshiis ku lifaaqan Axdiga xaquuqul insaanka ee Afrika, waxa la ansixiyey 29-kii Janaayo 2018, wuxuuna si rasmi ah dhaqan u galay 3-da May 2024 kadib markii ay saxiixday 15 waddan. Heshiiskan muhiimka ah waxa uu ujeedkiisu yahay in la ilaaliyo, lana xaqiijiyo xuquuqda dadka naafeeysan ee Afrika. Waa heshiis si gaar ah loogu talagalay xaaladda iyo duruufaha Afrika, wuxuuna wax ka qabanayaa arrimaha aas-aasiga ah ee la xiriira takoorka dadka naafada ah si loo xaqiijiyo helitaanka sinaan iyo ilaalin ka dhan ah dhaqamada waxyeellada leh, caafimaadka, waxbarashada, shaqo helista, iyo adeegyada kale. Ololahan waxa uu dhiirrigelinayaa in dowladda Soomaaliya ay saxiixdo heshiiskan iyadoo la iftiiminayo muhiimadiisa.

Xaaladda Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay saxiixday Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah (UN CRPD) sanadkii 2019. Sidoo kale, sanadkii 2018, waxa la dhisay Hay’adda Qaranka Naafada (NDA) oo hoostagta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, iyadoo sidoo kale la diyaariyey Xeerka Naafada, inkasta oo aan weli lagu meel marin.

Horumarkan sharci iyo nidaam ee ay Soomaliya gaartay, wuxuu door lixaad leh ka qaadanyaa habsami-u-socodka horumarinta xuquuqda dadka naafada ah. Si kastaba ha ahaatee, caqabaduhu way jiraan. Sida lagu sheegay Warbixinta Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed ee 2024, dadka naafada ah waxa ay la kulmaan caqabado xoog leh oo ay ka mid yihiin helitaan la’aan adeegyo muhiim ah sida waxbarasho, shaqo, iyo adeegyada aasaasiga ah.

Waxaa la qiyaasayaa in dalka ay ku nool yihiin in ka badan 2.5 milyan oo qof oo naafan ah (ku dhawaad 15% dadka Soomaaliyeed). Haddaba, Soomaaliya waxa ay fursad u haysataa in ay si deg deg ah u saxiixdo ADP, taasoo muujinaysa go’aankeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, kor u qaadista sharaftooda, iyo xaqiijinta in la waafajiyo himilooyinka horumarka qaranka ee dhinaca xuquuqda aadanaha.

Saxiixitaanka waxa uu sidoo kale muujinayaa sida Soomaaliya ugu go’antahay inay door muuqda ku yeelato ururada xuquuqda aadanaha ee Qaaradda Afrika. ADP waa heshiis dhammaystiran, asal ahaan Afrikaan ah, waana fure muhiim u ah xaqiijinta xuquuqaha dadka naafada ah ee waddamada horey u saxiixay. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya in ay qeyb ka noqdaan dhaqdhaqaaqaas muhiimka ah, iyagoo saxiixaya heshiiskan si loo xaqiijiyo in cidna aan la dayicin. Tani waxay xoojin doontaa sida Soomaaliya uga go’an tahay sinnaanta, sharafta, iyo xuquuqda aadanaha, isla markaana ay isugu waafajinayso dadaallada Midowga Afrika ee bulshada loo dhan yahay.

Muhiimad intee le eg buu Axdi-hoosaadkaan (Protocol) Soomaaliya u leeyahay?

Dhaqan gelinta Axdigan waxa ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya, iyad oo waddanku wali ka soo kabanayo dagaallo iyo xasillooni darro. Waxaa muhiim ah in la dhiso hay’ado caddaalad ah oo loo wada siman yahay. Saxiixitaanka ADP waxa ay muujinaysaa sida Soomaaliya uga go’an tahay mabaa’diida sinnaanta iyo ka hortagga takoorka, sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay saxiixday Soomaaliya, oo ay ka mid tahay CRPD. ADP waxa ay ka tarjumaysaa xaaladaha gaarka ah ee Afrika, sida: xidhiidhka ka dhexeeya naafanimada iyo saboolnimada, saamaynta dagaalka iyo colaadaha, caadooyinka dhaqanka xun iyo dhaqamada waxyeellada leh (gaar ahaan dadka qaba albinism), iyo kaabeyaasha dadweynaha oo aad u liita.

Waxa ay Soomaaliya qaran ahaan uga faa’ideyso Axdi hoosaadkan

Kor u qaadidda sumcadda iyo mas’uuliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya

Qodobka 36aad ee xeerka wuxuu dhigaya in dowladuhu ay warbixin ka soo gudbiyaan fulinta xuquuqda dadka naafada ah si joogto ah. Haddii ay Soomaaliya xeerkaan Dhaqan geliso waxa ay muujin doontaa ka go’an tahay xuquuqda dadka Baahiyaha gaarka ah qaba, taas oo sare u qaadaysa sumcadeeda caalamiga ah ee Soomaalia

La jaanqaadidda iyo iswaafajinta himilooyinka horumarka qaranka iyo kuwa Afrika

Xeerku wuxuu la jaanqaadayaa Agenda 2063 ee Midowga Afrika iyo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Sidaas darted Soomaaliya haddii ay dhaqan geliso Axdi-hoosaadkaan waxa ay ka dhigaysaa qorshayaasheeda horumarineed kuwo ka turjumaya sinnaanta iyo ka-qaybgalka. Is waafajin karana qorshayaasha sida NTP (National Transitional Plan) iyo xeerarka Nafaada ee heer qaran, si loo gaaro horumar loo dhan yahay?

Dhiirro gelinta sharciyada iyo hay’ado dowladeed oo naafada u adeega

Qodobka 3aad iyo 8aad ee Axdi-hooaadku wuxuu dowladaha ku waajibinayaa in ay sameeyaan sharciyo qaran oo difaaca xuquuqda dadka naafada ah. In ay horumariyaan hay’adaha dowladda ee la xiriira adeegyada naafada. Taasi waxa ay Dowladda Soomaaliya ka saacideysaa in ay horumariso Hey’adda Naafada qaran isla markaasna u qoodeyso Miisaaniyad wax ka tareysa horumarinta dadka Baahiyaha gaarka ah qaba. Sidoo kale waxa ay ku dhiiro gelinaysaa in la sameeyo habraacyo bulsho oo la jaanqaadaya xeerka caalamiga iyo kuwa gobaleedya ee naafada.

Muhiimadda uu dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ee Soomaaliyeed u leeyhay Axdi hoosaadkaan

Haddii la dhaqan geliyo, ADP waxa ay noqonaysaa isbeddel weyn oo u danaynaya dadka naafada ah ee Soomaaliya — oo ay ka mid yihiin: dadkii ku dhaawacmay dagaalada, dhibbanayaal miinooyinka dhulka, dadka qaba naafanimo jidheed, maskaxeed ama nafsiyeed. Qaybtan bulshada waxa ay muddo dheer wajahaysay: caqabadaha helitaanka waxbarashada, adeegyada caafimaadka, shaqo helista, ka faa’iidaysiga adeegyada dadweynaha, iyo helitaanka caddaalad. Saxiixitaanka ADP waxa uu ku waajibinayaa Dowladda: in la fududeeyo helitaanka waxbarasho, daryeel caafimaad, gaadiid, in la hubiyo in dadka naafada ahi ay ka qeyb qaataan go’aan gaarista, in la tirtiro takoorka nidaamsan (structural discrimination). ADP waxa uu xooga saarayaa: sidii loo yareyn lahaa takoorka dheeraadka ah ee ay la kulmaan haweenka naafada ah, carruurta, dadka qaba albinism, iyo dadka qaba cudurrada dhimirka. Wuxuuna dhiirrigelinayaa in dadkaasi loo arko muwaadiniin buuxa oo mudan sharaf iyo sinaan, halkii laga arki lahaa in ay yihiin dad la sadaqeeyo. Dhaqangelinta Axdigan-hoosaadkaan waxa ay dadka naafada ah siinaysaa:

  • Xuquuq Sharciyeed: Ansixintu waxay dadka baahiyaha gaarka ah qaba siisaa ilaalin sharci oo buuxda, iyadoo xaqiijinaysa in xuquuqdooda ay noqdaan waajib qaran. sida:
    • Waxbarasho
    • Caafimaad
    • shaqo.
  • Helitaan Adeegyo: Helitaannada adeegyo Tayo Leh ayuu Xeerku dowladda ku waajibinayaa in ay bixiso adeegyo muhiim ah sida:
    • Waxbarasho la jaanqaadaysa baahiyahooda (inclusive education)
    • Daryeel caafimaad, agabyo taageero leh, iyo dhismooyin la heli karo (accessible buildings).
  • Ka-Qaybgal Buuxa: Anxisintu waxa ay fursad u siinaysaa in dadka naafada ah in ay si buuxda uga qayb qaataan:
    • Siyaasadda
    • Dhaqaalaha
    • Arrimaha bulshada.
  • Ka Hortag iyo La Dagaallanka Takoorka iyo Ceebaynta Xeerku wuxuu si cad u mamnuucayaa:
    • Takoorka
    • Xadgudubyada
    • Dhaqamada liida dadka naafada ah Tani waxay suurtagal ka dhigaysaa nolosha ku dhisan sharaf, cadaalad iyo sinnaan.

Gunaanad

Baaqan waxa uu ku saleysan yahay: mabaa’diida sharciga, siyaasadda, anshaxa, iyo damiirka bani’aadamnimada. Waa baaq loo jeedinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay ixtiraamto waajibaadka ka saaran Dastuurka KMG ah, CRPD, iyo Ajendaha 2063 ee Midowga Afrika. Waa fursad lagu xaqiijinayo in xuquuqda dadka naafada ah aan loo arkin deeq ama sadaqo, balse loo aqoonsado inay yihiin xuquuq sharciyeed. Waxaan si xushmad leh ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso saxiixitaanka ADP iyadoo aan dib u dhicin. Saxiixitaanku waxa uu: adkeyn doonaa ballanqaadka Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda dadka naafada ah, dhisi doonaa mustaqbal loo siman yahay oo sharaf leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Jiilka maanta waxa ay fursad u haystaan in ay dib u qeexaan aragtida Soomaalida ee ka faa’iideysiga bulshada — si loo muujiyo xuquuqaha dadka naafada ah — ee aan ku ekaan hadal, balse ay noqoto xaq sharci ah oo la ixtiraamo.

W/Q: Abdikarin Said Yusuf and Joshua NDUKU
LLM candidates- HRDA Class of 2025
Centre of Human Rights
University of Pretoria, South Africa

_____________
The Somali Opinions welcomes opinion articles on any topic, including local, national, and international issues. Submissions can be sent to Somaliopinions@gmail.com.

If you have feedback on this article or wish to share your thoughts on any content published by The Somali Opinions, we encourage you to submit your opinions to the email address above.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *