Maqaal: Sida Dowladda Soomaaliya Uga Faa’iideysan la’dahay Balaayiin Doollar Oo Deeq Lacageed Ah.

Caqabadaha Haysta dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weli la tacaaleysaa caqabado badan oo is-barkan oo ku hor gudban dadaalladeeda lagu doonayo in lagu bixiyo adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, sugnaanta cuntada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn waa awoodda xaddidan ee dowladda ee ku aaddan ururinta dakhliga gudaha, taasoo inta badan sabab u ah amni darrada joogtada ah, karti-darro hay’adaha dowliga ah, iyo khilaafaadka siyaasadeed. Caqabadahaas ayaa si weyn u wiiqay kartida dowladda ee maalgelinta iyo gaarsiinta adeegyada si hufan.

Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, haddana Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay dib-u-dhiska kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo Barnaamijka Deyn-Cafinta ee Wadamada Saboolka ah ee Deynku Saamaynta Ku Yeeshay (HIPC). Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayaa si weyn u maalgeliyay xoojinta nidaamyada maaraynta maaliyadda ee dowladda, iyagoo tababar muhiim ah siiyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si ay ula jaanqaadaan heerarka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Ka dib markii lagu guulaystay tijaabooyin dhowr ah oo ay Soomaaliya ku maamushay deeqaha iyada oo adeegsanaysa nidaamkeeda maaliyadeed isla markaana si buuxda u kormeertay hirgelinta mashaariic koobam, deeq-bixiyeyaasha ayaa bilaabay inay beddelaan habkii hore. Markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah, hay’adaha caalamiga ah waxay aamineen dowladda Soomaaliyeed inay si toos ah u maamusho mashaariic horumarineed oo waaweyn oo malaayiin doollar ah. Natiijadii waxay noqotay in ku dhowaad $2 bilyan oo deeqo horumarineed ah lagu aamino in uu maamulo Akoonka Midaysan ee Hantida Dowladda (TSA) oo hoos yimaada Wasaaradda Maaliyadda.

Deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee mashaariic taageera waxaa ka mid ah:

  • Bangiga Adduunka oo ku deeqay ($1.6 bilyan)
  • Bangiga Horumarinta Afrika oo ku deeqay ($130 milyan)
  • Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada oo ku deeqay ($80 milyan)
  • Midowga Yurub oo ku deeqay ($3.3 milyan)

Guud ahaan, deeqahaas waxay taageerayaan in ka badan 34 mashruuc oo ka socda 12 wasaaradood oo federaal ah.

Ujeedada ugu weyn ee barnaamijyadan waa in la horumariyo bixinta adeegyada dadweynaha iyo in la xoojiyo horumar waara oo ka dhaca qeybaha muhiimka ah sida:

  • Dhisidda awoodda hay’adaha
  • Kaabayaasha magaalooyinka sida waddooyin iyo dekedo.
  • Tamarta iyo tiknoolajiyadda
  • Waxbarashada iyo caafimaadka
  • Isbedelka cimilada, adkeysiga abaaraha, iyo sugnaanta cuntada
  • Horumarinta dhaqaalaha, beeraha, iyo kalluumeysiga.

Guud ahaan, haddii si guul leh loo hirgeliyo mashaariicdan, waxaa la filan karaa in ay si weyn u beddelaan adeegyada bulshada isla markaana kor u qaadaan nolosha malaayiin muwaadiniin Soomaaliyeed ah, si toos ah ama si dadban.

Laakiin, inkasta oo ay sidaas tahay, qeyb aad u weyn oo ka mid ah deeqahaas ayaa wali aan la isticmaalin, iyadoo shaqooyin badan oo mashaariic da ah ay hakad ku jiraan ama aanba wali la bilaabin. Maxaa sabab u ah?

Qormadaan waxay iftiiminaysaa arrintaas muhiimka ah, anagoo falanqaynaya caqabadaha nidaamiga ah, wax-qabad la’aanta, iyo dhibaatooyinka hay’adeed ee hor istaaga kartida Soomaaliya ee u beddeli lahayd taageerada deeq-bixiyeyaasha horumar muuqda oo dadkeeda gaara. Ujeeddadeydu waa inaan baaro sababaha keenay in deeqahaas la’iska indha tiro ama aan la isticmaalin, iyo waxa loo baahan yahay in la beddelo si Soomaaliya ugu dambeyntii u hirgeliso barnaamijyadan horumarineed ee muhiimka ah.

Ku Tiirsanaanta Soomaaliya Ee Deeqaha Caalamiga ah

Miisaaniyadda Qaranka Soomaaliya ee sannadka 2025 waxay gaareysaa qiyaastii $1.33 bilyan. Waxaa la filayaa in kaliya $430.3 milyan laga helo dakhliga gudaha, halka $903 milyan oo ka badan 67% miisaaniyadda guud laga sugayo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Taageeradan deeqaha ah waxay u qaybsan tahay:

  • $167.9 milyan oo ah kaalmo toos ah oo miisaaniyadeed
  • $735.1 milyan oo loo qoondeeyay Mashaariic horumarineed.

Ku tiirsanaanta cad ee kaalmada dibadda waxay muujinaysaa heerka dhaqaale ee Soomaaliya iyo caqabadaha wali ka jira dhisidda nidaam dowladeed oo iskiis isku filan. Deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah sida Bangiga Adduunka, IMF, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika, iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada waxay sii wadaan door muhiim ah oo ay ka ciyaarayaan maalgelinta hawlaha dowladda iyo barnaamijyada horumarineed ee dalka oo dhan.

Si loogu maareeyo dhaqaalaha soo gala si hufan, laguna xoojiyo daahfurnaanta, dowladda ayaa qaadatay nidaamka Akoonka Midaysan ee Hantida Dowladda (TSA) oo ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda. TSA waxaa loogu talagalay in uu mideeyo oo habeeyo maaraynta hantida qaranka, si loo hubiyo in deeqaha lagu helo si rasmi ah loogu maamulo nidaamka dowliga ah, lana waafajiyo mudnaanta qaranka.

Halkee Ayay Lacagtu Ku xanibantahay

Sanad walba, Soomaaliya waxay isticmaashaa kaliya qiyaastii 50% deeqaha horumarineed ee loo qoondeeyo. Sannadihii 2023 iyo 2024, guud ahaan $522.7 milyan ayaan la isticmaalin $215.7 milyan oo ah sanadkii 2023 iyo $307 milyan sanadkii 2024, taasoo keentay heerar isticmaal oo ah 56% iyo 47% sanadkiiba. Tani waxay muujinaysaa hoos u dhac 9% ah isticmaalka lacagta sanadkii 2024. Isbeddelkan hoos u dhaca ah wuxuu tilmaamayaa in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban dhibaatadu kasii dareyso.

In kasta oo aan haysanno deeqo iyo mashaariic waawayn hadana heerarka isticmaalku iyo hirgelintu waxay yihiin kuwo aad u hooseeya. In kasta oo mashaariic badan lagu daro qorshaha miisaaniyadda, haddana waxay la kulmaan dib u dhac joogto ah, fulin la’aan, ama gebi ahaanba hakad. Arrintan waxay su’aalo culus ka keenaysaa dhibaatooyinka hay’adaha, awoodda hawlgalka, iyo kartida dowladda ee u beddelidda taageerada dhaqaale horumar muuqda oo gaara shacabka Soomaaliyeed.

Markii aan qiimeeyay 34 mashruuc oo isku darka lacag toodu dhan tahay $1.85 bilyan, oo dhamaantood ku jira miisaaniyadda qaranka, waxaa muuqata in lacagaha la galiyo miisaaniyadda an la isticmaalin sanad walbo iyadoo an la fulin shaqooyinkii loogu tala galay in loogu adeego dadka soomaaliyeed.

  • 2023: Kaliya 7 mashruuc ayaa gaaray heer isticmaal ka badan 70%; 8 mashruuc waxay galeen inta u dhaxaysa 40–69%, halka 14 mashruuc ay ku jireen heer aad u hooseeya oo ah 0–39%.
  • 2024: Waxqabadku wuu sii xumaaday, kaliya 4 mashruuc ayaa dhaafay 70%, 12 mashruuc waxay ahaayeen 40–69%, halka 18 mashruuc ay hoos uga dhaceen 39% isticmaalka guud.

Toddobada wasaaradood ee ugu isticmaalka hooseeya (oo leh heerar isticmaal oo u dhexeeya 0–46%) waxay si toos ah tusaale uga yihiin sida deeqahaan loogu faa’iideysan la’yahay, taasoo wiiqeysa bixinta adeegyada muhiimka ah. Afar wasaaradood ayaa si joogto ah ugu hooseeyay isticmaalka iyo fulinta mashaariicda labadii sano ee lasoo dhaafay:

  • Wasaaradda Xanaanada xoolaha,, Dhirta & Daaqa (MoLFR)
  • Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda (MoCT)
  • Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha (MoEWR)
  • Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare (MoECHE)

Saddex wasaaradood oo kale, oo kala ah Wasaaradda Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Buluugga ah (MFBE), Wasaaradda Beeraha & Waraabka (MoA), iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha (MoPIED), ayaa la kulmay hoos u dhac weyn sanadka 2024.

Wasaaradahaas, marka la isku daro, waxay maamulaan 17 mashruuc oo ka badan $1 bilyan. Ka faaidaysi la’aanta mashaariicdan waxay keentay inan dalku wax horumar ah ka samayn qaybaha muhiimka ah sida beeraha,, dhaqaalaha, waxbarashada, tamarta, iyo horumarinta tiknoolajiyadda. Wasaaradahan ayaa si toos ah masuul uga ah ammaanka cuntada, soo kabashada dhaqaalaha, iyo horumarka waara ee Soomaaliya. In lagu guul darraysto in la fuliyo mashaariicda muhiimka ah waxay saamayn toos ah oo taban ku yeelanaysaa nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed.

23 da Mashruuc ee ugu isticmaalka hooseeya

Si loo fahmo si qoto dheer halka ay lacaguhu ku xanibanyihiin, waxaan soo soocnay 23 mashruuc oo isticmaalkoodu ka hooseeyo 50% boqolkiiba sanadkii 2024. Mashruucyadan waxay guud ahaan yihiin $1.2 bilyan, taasoo u dhiganta ku dhawaad laba-meelood saddex meel deeqda guud, fulin la’aanta mashaariicdan waxay hoos u dhigaysaa boqollayda isticmaalka guud ee deeqaha.

Mashaariicdaan waxaa kamid ah:

  • 5 mashruuc oo waxbarasho (3 ka mid ah ayaa leh heerar fulin oo aad u hooseeya: 3%, 5%, iyo 5%)
  • 4 mashruuc oo tamar iyo biyo ah (2 ka mid ah oo leh heerar fulin oo ah 2% iyo 4%)
  • Min 2 mashruuc oo ka socda wasaaradaha: beeraha, maaliyadda, xoolaha, qorsheynta, iyo hawlaha guud

Si gaar ah, mashruuca Accelerating Sustainable and Clean Energy Program (WB/MoEWR) wuxuu isticmaalay kaliya 2% miisaaniyaddiisa, halka mashruuca Somalia Empowering Women Through Education (WB/MoECHE) uu isticmaalay kaliya 3%. Wasaarado dhowr ah, gaar ahaan MoECHE, MoEWR, iyo MoA ayaa si gaar ah ugu masuul ah mashruucyadan fulintooda aadka u hooseyso.

Marar badan, heerarka isticmaalka mashaariicda waxay gaareen heerar aad u hooseeya sida 2%, 3%, iyo 5%. Kuwani ma aha tirooyin ama nambarro kaliya waa fursado la seegay oo wax ka tari lahaa horumarinta waxbarashada, helitaanka tamarta, kaabayaasha biyaha, iyo kor u qaadista nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Jawaabta hoos u dhaca heerka isticmaalka ee Soomaaliya ee deeqaha waa mid cad: intii ugu badnayd lacagaha ayaa ku xaniban mashaariic aan la fulin ama fulintoodu aad u hoosayso oo ay maamulaan 12 wasaaradood oo muhiim ah. Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban dhibaatooyinka dib u dhaca howlaha qorsheysan, xirfad la’aanta shaqaalaha, iyo la xisaabtan la’aanta, wasaaradahani waxay sii ahaan doonaan kuwa ku fadhiya lacago badan halkii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha shacabka.

Qaybaha soo socda, waxaan si qoto dheer u eegi doonaa sida loo xallinkaro caqabadaha hor taagan isticmaalka deeqaha iyo asbaabaha salka u ah dhibaatooyinkan si loo helo xal waara.

Caqabadaha Hortaagan Fulinta Mashaariicda.

Inkasta oo ay jirto dhaqaale badan oo ka yimaada deeq-bixiyeyaasha iyo in la dhisay nidaamyo maaliyadeed oo casri ah, hadana hoos u dhaca joogtada ah ee Soomaaliya ka haysata isticmaalka deeqaha waa calaamad muujinaysa cillado qoto dheer oo ka jira Tayada hay’adaha dowladda. Hoos waxaan ku falanqeynayaa afarta caqabadood ee ugu waawayn oo kala ah: Aqoon la’aanta xaga maamulka mashaariicda waawayn, Tayo la’aanta hab maamulka maaliyadda, Dib-u-dhaca hanaanka iibka, iyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dawlad goboleedyada. Haddii aan wax laga qaban asalka caqabadahan, waxaa adkaan doonta gaaridda yoolalka horumarineed ee qaranka.

1. Aqoon La’aanta Maamulka Mashaariicda

Caqabadda ugu weyn ee hor taagan hirgelinta mashaariicda waa in aan loo xulin shaqsiyaad aqoon u leh shaqada, gaar ahaan madaxda ugu sarraysa mashaariicda waawayn ee malaayiinta doollar ah. Sanadihii u dambeeyay, magacaabista dadka loo dhiibo mashaariicda waxaa hareeyay eex iyo qaraabo-kiil, iyadoo la iska indha-tirayo kartida farsamo ee loo baahan yahay si loo fuliyo howlaha muhiim ka ah ee wax u taraya shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka mashruuc waa xirfad baaxad leh oo u baahan aqoon ku saabsan: Qorsheynta (Planning), Isku xirka hay’adaha shaqadu ka dhaxayso (Stakeholder Coordination), Dajinta miisaaniyadda (Budgetting), Maareynta khataraha (Risk Management), iyo Diyaarinta warbixinnada (Reporting). Maamulaha mashruucu wuxu hogaamiyaa shaqaale kala duwan, wuxuuna hubiyaa in hawlaha mashruuca lagu qabto waqtigii loogu talagalay. Marka shaqsi aan laheyn faham ama khibrad la xiriirta mas’uuliyadahaas la magacaabo, natiijada ka dhalata waxay noqonaysa: dib-u-dhac, fadhiidnimo, iyo qorshayaal aan la fulin taas oo ka dhigan in mashaariic daasi fashilmaan lagana faaidaysan waayo deeqahaas ay u baahnaayeen dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, inta badan shaqaalaha loo xulo mashaariicda waa kuwa aan lahayn aqoon farsamo iyo midda shaqo ee looga baahan yahay si loo fuliyo mashruuc. Sidaas darteed, shaqaalaha qaar waxay u arkaan jagooyinkooda sidii meelo mushaar lagu qaato oo kaliya halkii laga rabay inay ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed loona fuliyo howlaha muhiimka ee mashaariicdas u qorsheysan. Taasi waxay sababtay in mashruucyo badan oo muhiim u ah horumarka dalka ay hakadaan, sababa la xiriira karti xumada dadkii loo idmaday inay fuliyaan.

2. Tayo La’aanta Hab Maamulka Maaliyadda iyo Fulinta Miisaaniyadda

Waxaa caqabad wayn ka jirtaa hab-maamulka maaliyadeed ee wasaaradaha gacanta ku haya mashaariicda. Wasaaradaha uu hooseeyo heerka isticmaalka deequhu, waxay ka siman yihiin caqabadahan hoos ku xusan:

  • Xakameyn la’aan miisaaniyadeed (lack of Budget execution)
  • Dib-u-eegis la’aan miisaaniyadda (lack of Budget Monitoring)
  • Qorsheyn la’aan xagga lacag dalbashada (lack of proper cash flow projections)

Warbixinno maaliyadeed oo joogto ah ma sameeyaan team ka maamulka mashruuca (PIUs), iyadoo madaxda mashaariicda mararka qaar ayna ogayn sida lacagta loo isticmaalay iyo inta la isticmaalay (Utilization rate) ilaa uu dhammaado sanad-maaliyadeedka, markaas oo ay aad u adagtahay in la saxo wixii caqabad ah ee muddadoodii la dhaafay.

Sidoo kale habka lacag bixinta ayaa ah mid caqabad wayn ka jirto iyadoo kharashaadka ay qaadato in la bixiyo muddo dheer oo bilo ah, masuuliyiinta maaliyadda qaabilsan ma sameeyaan warbixinno maaliyadeed oo bille ah iyagoo la socodsiiyo madaxda mashaariic da iyo kan wasaaradda heerka isticmaalka deeqaha, si ay u qaataan go’aamada muhiimka ah waqtiga ku haboon.

3. Dib u dhaca hanaanka iibka

Hannaanka qandaraasyada (procurement process) wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu weyn ee hor taagan fulinta mashaariicda. Wuxuu yahay nidaam aad u dheer oo leh tallaabooyin badan iyo dukumiintiyo fara badan. Nasiib darro, saraakiisha qaabilsan hanaanka qandaraas bixinta ee ka shaqeeya mashaariicda badankood ma haystaan aqoon ku filan si ay u maareeyaan qandaraasyo waaweyn.

Geeddi-socodka go’aan qaadashada qandaraasyada waxaa mararka qaar sii adkeeya danaha is-diidan iyo Khilaaf ka dhex dhaca daneeyayaasha kaas oo ku saabsan cidda la siinayo qandaraaska taasoo sababta is-mariwaa qaata waqti dheer dib na u dhiga fulinta howlaha ku xiran qandaraas kaas sida dhismaha ceelal, iskuulo, cisbitaalo, iwm.

4. khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dawlad goboleedyada

Ugu dambayn, isku xirnaan la’aanta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxay ka mid tahay caqabadaha ugu waa weyn ee dhinaca fulinta mashaariic da. Khilaafyo ayaa inta badan ka dhasha sida loo qeybinayo dhaqaalaha ama meelaha laga hirgelinayo mashaariicda, taasoo keenta dib-u-dhac ballaaran.

Wasaaradaha federaalka waxay marar badan qorsheeyaan mashaariic iyaga oo aan la tashan Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, taasoo sababta in ay adkaato in laga fuliyo mashaariic daas heer dowlad goboleed.

Saamaynta fulin la’aanta mashaariicdu ku leedahay dalka iyo dadka.

Ilaa hadda, daraasaddan waxay diiradda saartay lacagaha an la isticmaalin, magacyada mashaariicda, iyo fashilka hay’adaha, taasoo sawir buuxa ka bixinaysa sida nidaamka Soomaaliya ugu guuldaraystay in uu si wax ku ool ah u adeegsado dhaqaalaha deeqaha lagu siiyay. Lacagaha iyo mashaariic da aan la fulin waxaa ku qarsoon saamayn ballaaran oo taabanaysa nolosha dhabta ah ee malaayiin Soomaali ah oo wali ku jira saboolnimo, jaahilnimo, amni-darro iyo baahi.

Hoos u dhaca joogtada ah ee heerka fulinta mashaariicda dowladda ee muhiimka ah waxay saameyn muuqata ku yeelatay adeeg bixinta. Iyadoo balaayiin doollar oo deeq ah an la isticmaalin, bulshooyin badan ayaa wali la ildaran baahi aasaasi ah oo ay tahay in la daboolo.

Waxbarashada: Dib u dhacyada fulinta mashaariicda sida Somali Education Human Capital Project iyo GPE System Transformation Grant waxay sababtay in la gaari waayo ahdaaftii horumarinta waxbarashad iyo karaanka soomaaliyeed. Sidaas darteed:

  • Iskuullo badan oo mashaariic daas ku jiray ayaan la dhisin ama la dayac tirin.
  • Fasallada qaar ma haystaan agabkii aasaasiga ahaa.
  • Kumannaan macallimiin ah ayaan helin tababarro iyo lacagihii loo qoondeeyay.

Arrintan waxay halis ku tahay dadaallada kor loogu qaadayo Tayada waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

Caafimaadka: Mashaariicda caafimaadka ee aan laga faaidaysan waxay sabab u noqdeen in xarumo muhiim ah oo caafimaad aan la dhisin, taasoo keentay in bulshooyin badan ay waayaan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Sidoo kale waxaa gaabis ku jira Ololeyaasha talaalka, Daryeelka hooyada iyo dhallaanka, iyo Ka falcelinta cudurrada faafa.

Tamarta iyo Biyaha: Qaybtan ayaa sidoo kale ah mid aan laga faaidaysan Mashaariicda sida Accelerating Sustainable and Clean Energy, Households’ Access to Renewable Energy, iyo Groundwater for Resilience Project, iyadoo an laga samayn horumarkii loo baahnaa, taasoo keentay in dad badani wali helin biyo nadiif ah, koronto, ama tamarta la cusboonaysiin karo (Renewable Energy), adeegyadaas oo ah kuwo lagama maarmaan u ah nolosha dadka iyo kobaca dhaqaalaha.

Kaabayaasha Dhaqaalaha (Infrastructure): Mashaariicda waaweyn ee ay ka mid yihiin Road Infrastructure Program, Horn of Africa Infrastructure Integration, iyo Somalia Urban Resilience Project ayaan si fiican looga faaideysan, iyado dib u dhac ku yimid dhismeyaasha wadooyinka, buundooyinka, iyo horumarinta magaalooyinka, taasoo wiiqaysa isku xirka dalka, iyo isku socodka ganacsiga.

Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada: Mashaariicda aan laga faaidaysan waxaa sidoo kale kamida Somalia Crisis Recovery Project iyo Somali Food Systems Resilience Project waxay fursado badan ka lumiyeen dalka iyadoo aan la taageerin nolosha dadka beeraleyda ah, la laga hortagin isbadalka cimilada korna loo qaadin sugnaanta cuntada (Food security).

Dhaqaalaha: Saameynta Baahsan ee Shaqo La’aanta iyo Wareegga Lacagta (Impact of Unemployment and Money Circulation)

Marka loo eego dhinaca dhaqaalaha, isticmaalka hoos u dhacay ee deeqaha horumarineed wuxuu si toos ah u saamaynayaa:

  • Shaqo-abuurka (Job creation)
  • Dakhliga qoysaska (Household income)
  • Wareegga lacagta ee suuqa (Money circulation)

Mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabayaasha, waxbarashada, iyo adeegyada, waa kuwo abuura shaqooyin. Tusaale ahaan, xitaa mashruuc yar sida dhismaha hal iskuul wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 10 shaqaale aan xirfad lahayn iyo 2 farsamo-yaqaan ama injineer, shaqaalahaasi waxay inta badan ku tiirsan yihiin mushaharkaasi si ay u maareeyaan nolol maalmeedkooda, kuna taageeraan qoysas kooda ballaaran, qiyaas meeqa shaqaale ayaa sidaas oo kale shaqo abuur uga heli lahayd dhismaha iskuulo badan, wadooyin, goobo caafimaad iyo ceelasha la dhisi lahaa hadii si fiican loo fulin lahaa mashaariicda.

Iyadoo la adeegsanayo xisaab fudud oo ah in halkii million dollar uu abuuri karo 5 shaqo oo toos ah, lacagta aan la isticmaalin ee sanadkan 2024 oo gaaraysa $307 milyan waxay la micno tahay ugu yaraan 1,535 shaqo oo la abuuri kari lahaa inay lumeen taasoo kor u qaadday heerka saboolnimada dadka iyo shaqa la’aanta dhallinyarada.

Aragtida Deeq-bixiyeyaasha: fulin la’aanta mashaariicda waxaa aad uga walaacsan deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyadoo qaar kamid ah muujiyeen walaac ku saabsan heerka hoos u dhacaya ee adeegsiga dhaqaalaha iyo fulinta mashaariicda, taasoo keentay su’aalo waa weyn oo ku saabsan kartida dowladda ee maaraynta gargaarka caalamiga ah.

Haddii Soomaaliya ku guuldareysato in ay si hufan u isticmaasho deeqaha, waxay halis ugu jirtaa in ay lumiso taageerada deeq bixiyaasha caalamiga ah ee mustaqbalka. Taasi waxay dhaawici doontaa kalsoonida lagu qabo Soomaaliya, waxayna caqabad ku noqon doontaa in ay hesho maalgelin cusub.

Sidee xallin karaa caqabadaha hortaagan ka faaidaysiga deeqaha.

Qeybtan, waxaan soo bandhigayaa talooyin wax ku ool ah oo la gaari karo, kuwaasoo haddii la hirgeliyo, ka caawin kara wasaaradaha iyo Mashaariicda horumarineed in loo fuliyo sidii loo qorsheeyay. Talooyinkaan ma aha kuwo adag, balse waxay ku saleysan yihiin waaqica hadda jira waxayna ujeedadoodu tahay in wax lagu dul soxo iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedka hadda jira.

1. Horumarinta Awoodda Shaqaalaha (Capacity Development)

Intii aan shaqaynayey, waligay uma ololayn in qof shaqaale ah shaqo laga cayriyo si xal loogu helo caqabad jirta, waxaan aaminsanahay in qofka shaqaalaha ah xirfadiisa kor loo qaadi kari iyadoo la siinayo tababarro khuseeya shaqada uu hayo.

Wasaaraduhu, iyagoo kaashanaya deeq-bixiyeyaasha, waa inay sameeyaan barnaamijyo tababar oo toos ah ama fogaan arag ah (Online training) kuwaasoo diiradda saara meelaha muhiimka ah sida maamulka mashaariicda (Project Management Course). Maareeyayaasha Mashaariicda waa in lagu tababaro aqoonta ku saabsan marxaladaha kala duwan ee fulinta mashaariicda (Project Management Cycle), iyo habka loo maamulo loolana xisaabtamo shaqaalaha kale ee ka hoos shaqeeya. Tababaro waa in sidoo kale loo sameeyo shaqaalaha ka shaqeeya maaliyadda, wax iibsiga, kormeerka iyo qiimaynta, iyo waaxyaha kale ee muhiimka u ah fulinta mashaariicda.

Sidoo kale, Mashaariicda heerka fulintoodu aad ka u hooseeyso waa in lagu kabaa khabiirro heer sare ah oo ka caawiya fulinta mashruuca in la dardar galiyo.

Mashaariicda dhowaan la ansixiyay waa in la hubiyo in hanaanka qaadashada shaqaalaha noqoto mid daah furan oo loo tartamo si loo helo shaqaale tayo leh oo awood u leh fulinta mashaariicda loogana fogaado in markale lagu dhoco khaladaadkii hore ugu sababay mashaariicdi hore in laga faaidaysan waayo.

Mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu xaqiijin karo guusha Mashaariicdan waa in mudnaanta la siiyo shaqaaleysiinta xirfadlayaal aad u karti badan iyadoo la adeegsanayo hannaan daah-furan oo tartan ah (Competitive Process). Qeexid cad oo shaqo (Terms of Reference), shuruudo xulasho oo qeexan (Selection Critetia), taasoo ka caawin karta in la hubiyo in la helo dad leh xirfado farsamo oo heersare ah iyo karti fulineed.

Waxaan sidoo kale ku talinayaa in la hirgeliyo hannaan lagu qiimeeyo wax qabadka shaqaalaha (performance management framework) nidaamkani wuxuu dhiirrigelin doonaa shaqaalaha waxqabadkoodu sarreeyo iyada oo lagu abaal marinayo dallacsiin, wuxuuna aqoonsanaya kuwa liita ee an si wanagsan u gudanayn shaqadii loo idmaday si loogu sameeyo tababaro dheeraad ah, ama dib-u-meeleyn.

2. Xoojinta Maamulka Maaliyadda iyo Fulinta Miisaaniyadda

Arrin aan inta badan ku arkay Mashaariic badan waa tirada yar ee shaqaalaha maamulka maaliyadda. Mashaariicda gacanta ku haya tobanaan milyan oo doolar ayaa inta badan ku tiirsan hal ama labo qof oo u qaabilsan dhanka maaliyadda, taasoo ah mid aan macquul ahayn isla markaana aan caawinayn habsami u socodka shaqada.

Wasaarad kasta waa inay qaadataa hab kala sooca shaqo (segregation of duties) oo u dhexeeya shaqaalaha maaliyadda qaabilsan, si shaqsi walba loogu xilsaaro hawlo kala duwan sida: dabagalka miisaaniyadda (Budget Monitoring), habeynta lacag bixinta (Payment Processing), iyo saadaasha lacagta (Cash flow forecasting). Wasaaraduhu uma baahna in ay shaqaale cusub dibadda ka keenaan, balse waa inay ka faa’iideystaan shaqaalaha rayidka ah ee aan hada lahayn xil shaqo, si ay u caawiyaan fulinta mashaariicda.

Sidoo kale, warbixinaha dabagalka miisaaniyadda ee bille ah waa in la diyaariyaa lala na wadaagaa maareeyayaasha mashruuca, Agaasimayaasha Guud, iyo Wasiirada. Tani waxay ka caawinaysaa in madaxdu ka war hayaan xaaladda maaliyadeed ee mashruuca waxayna awood u yeelanayaan inay tallaabo degdeg ah qaadaan si ay wax uga qabtaan dib u dhacyada iyo fulin la’aanta mashaariicda.

3. Dhisidda Nidaamyo Wax-iibsi oo Daah-furan

Wax-iibsiga ayaa weli caqabad ku ah Mashaariic badan. Shaqaalaha qaabilsan wax-iibsigu waa kuwo aad u yar waana adag tahay in ay maareeyaan wax iibsiyo waawayn waqti kooban. Wasaaraduhu waa inay ballaariyaan shaqaalaha waaxda wax iibsiga (Procurement staff).

Tababar joogto ah waa in la siiyaa dhammaan shaqaalaha qaabilsan wax-iibsiga si ay ula socdaan hab-raacyada cusub ee wax iibsiga iyo siyaasadaha isbeddelaya. Maareeyayaasha mashruuca waa inay si toddobaadle ah u la socdaan qorshayaasha wax iibsiga (Procurement Plans), kana digaan haddii ay arkaan dib u dhac.

4. Hagaajinta Wada Shaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada.

Waxaan soo jeedinayaa in la aasaaso Xafiis qaabilsan Isku-xirka Deeqaha oo hoos yimaada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xafiiskan waa in loo xilsaaro dabagalka waxqabadka dhammaan mashaariicda lagu maalgeliyay deeqaha caalamiga ah, la socoshada mashaariicda heerka fulintoodu hoosayso iyo xallinta caqabadaha soo wajaha mashaariicda.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay inuu buuxiyo doorkaas maadama uu yahay xafiiska fulinta ee ugu sarreeya dalka, sidoo kale na isku xiro wasaaradaha kala duwan ee federaalka iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleed yada. Marar badan, caqabaha ku yimaada hirgelinta Mashaariicda waxaa sabab u ah isku-xir la’aan heer federaal-iyo- heer dowlad-goboleed. Xafiis dhexe oo awood leh wuxuu si weyn u yarayn doonaa caqabadaas.

Dowladda Federaalka waa inay muujisaa rabitaan siyaasadeed iyo dadaal degdeg ah si loo hirgeliyo dib-u-habeyn loona Dardar galiyo shaqooyinka gaabiska ah. Deeq-bixiyeyaashu waxay wali kalsooni ku qabaan nidaam keenna dowliga ah, laakiin kalsoonidaas halis ayay ku jirtaa. Waqtigaan dalku wuxuu u baahan yahay tallaabo degdeg ah. Maalin kasta oo la lumiyo waa fursad kale oo la seegay si adeegyada lagama maarmaanka ah loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Waqti dambe ma harin oo an sugno. Waxaa loo baahan yahay faragelin degdeg ah si loo beddelo jihada loo socdo looguna soo celiyo Soomaaliya dariiqa horumarka.

Lifaaq gaar ah:

Bogaadinta Mashaariicda Ugu Waxqabadka Fiican

Maqaalkani wuxuu falanqeynayaa 34 mashruuc oo horumarineed oo ka socda Soomaaliya, iyadoo si qoto dheer diiradda loo saaray 23 mashruuc oo waxqabadkoodu hooseeyo kuwaasoo u dhigma in ka badan $1 bilyan oo doolar oo ah lacagaha isticmaalkoodu hooseeyo. Mashaariicdani waxaan kasoo hadalnay inay wajahayaan caqabado waawayn oo u baahan in la soxo.

Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in aan bogaadino Mashaariicda guuleystay ee muujiyay waxqabad xooggan, si hufan u adeegsaday deeqaha, loona fuliyay si wanaagsan oo la amaani karo. Shaqaalaha ka shaqeeya 11-ka mashruuc ee hoos ku taxan (eeg jadwalka hoose) waxay mudan yihiin in lagu dhiirri galiyo dadaalkooda iyo waxqabadkooda la taaban karo awgeed.

Talo Soo Jeedin: Qiimayn Dheeraad ah

Daraasaddan waa mid dul marah, waxaana loo arki karaa baaritaan hordhac ah. Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo qiimayn faahfaahsan oo dhinac walba ah si loo cabbiro saameynta muddada fog ee ay leeyihiin Mashaariicdan waxqabadkoodu liito. Falanqayn noocaas ah waxay muhiim u tahay fahamka saamayntaas ay ku leedahay dhismaha hay’adaha dowladda, koboca dhaqaalaha, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Qoraaga Maqaalka.

Abdullahi Ciid waa khabiir dhanka maaliyadda iyo maamulka deeqaha oo mudoo siddeed sano ah ka shaqaynayay mashaariic kala duwan oo dhanka gargaarka iyo horumarinta ah, Wuxuu muddo dheer lasoo shaqeeyay hay’adaha caalamiga ah iyo qaar kamida waasaradaha dowladda federaalka. Muddadii uu shaqaynay, wuxuu gacan ka geystay adeegsiga nidaamka koontada mideysan ee kharashaadka dowladda (TSA) si loogu maareeyo lacagaha deeq bixiyeyaasha, isagoo mashaariicdii uu ka shaqaynayay gaarsiiyay 85% heerka adeegsiga miisaaniyadda mashruuca, wuxuu sidoo kale door ku lahaa qorista iyo diyaarinta (Proposal development) mashaariic kala duwan oo dalka ka socda.

Abdullahi wuxuu maqaalkan u qoray isagoo ka walaacsan hoos u dhaca ku yimid heerka isticmaalka deeqaha ee Soomaaliya iyo fulinta mashaariicda, wuxuu ugu baaqayaa dhamaan cid walba oo ay qusayso in la sameeyo dib u habayn ballaaran si kor loogu qaado ka faaidaysiga mashaariicda diyaarka ah kuwa cusub na loo abuuro taas oo kor u qaadi doonta horumarka dalka iyo nolosha dadka soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ama su’aalo, waxaad la xiriiri kartaa qoraaga email ahaan: Mrabdullahi.nur@gmail.com

 

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *